Taliyaha Ciidanka xooga oo gaaray Buulo-Burde

BELEDWEYE-AYAAMAHA-Jenaraal Odowaa Yuusuf Raage oo ah taliyaha Ciidanka xoogga dalka  Soomaaliyeed  ayaa gaaray dagmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan.

Garoonka diyaaradaha Buulo-Burde waxaa taliyaha kusoo dhaweeyay taliyaha Qeybta 27aad Janaraal Axmed Maxamed Calasow (Tareedisho) iyo saraakiisha kale ee Ciidamada Walabka sida ee ku sugan degmadaas.

Ujeedka Socdaalka taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa ah ka qeyb galka munaasabadda daahfurka taliska qeybta 27 oo laga dhigay dagmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan.

Degmada Buulo-Burde shalay waxaa gaaray wafdi uu hoggaaminayay Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle, iyaga oo halkaasi ka wada kulamo kala duwan oo ay la qaadanayaan maamulka degmada iyo Odayaasha Dhaqanka degmada.