Taliyaha Cusub ee Booliska Beledweyne oo Maanta xilka la wareegay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa ka qeyb-galay munaasabad xilka kula wareegayay Taliyaha cusub ee Saldhiga Booliska Degmada Beledweyne L/X Bishaar Xuseen Jimcaale.

Taliyaha cusub ee xilka la wareegay ayaa bedelay taliyihii Booliska Beledweyne Maxamed Xuseen Maxamuud Duur-dage oo lagu dilay israsaaseyn ka dhacday Magaalada Beledweyne 17-kii Bishii Febaraayo ee sanadkan 2022.

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali jeyte Cismaan ayaa kula dardaarmay Taliyaha cusub inuu sii xoojiyo Wajibaadkii Shaqo eeuu u hayay Taliyahii hore ee saldhiga allah Unaxariistee Maxamed Maxamuud Duurdage, isaga oo xusay inuu ahaa sarkaal qiimo Badan oo Shaqo wanaag ku suntanaa.

Gudoomiyaha ayaa ku Bogaadiyey Ciidanka Booliska Degmada Beledweyne Dadaalka ay ku sugayaan Nabad galyada magaalada Beledweyne, isaga oo alle uga baryay Taliyaha cusub in u fududeeyo Mas’uuliyada qaran ee loo igmaday, sidoo kalena uu kula dardaarmay  ilaalinta sharciga maadaama Booliska uu yahay isha Sharciga iyo Nabadgalyada.