Taliyaha Cusub ee Nabad sugida Gobolka Banaadir oo la magacaabay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Taliyaha cusub ee Hay’ada NISA uqaabilsanaan doona gobalka Banaadir ayaa loo magacaabay Muxuyadiin Warbac Shadoor.

Muxuyadiin ayaa horey xilkaan loogu magacaabay sanadkii hore ee 2021-kii, balse RW Rooble oo magacaabay awgeed wareegtadaasi ma noqon mid shaqeysay.

Hadda ayaa markale la magacaabay,waxaana horey jagadaan usoo qabtay xubno hadda kujira golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya.

Warbac ayay isku saami qeybsi hoosad yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud,waxaana uu qeyb ka ahaa saraakiishii Fahad Yaasiin lasoo shaqeeyey.

Agaasimaha cusub Ee NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa wada isku shaan dheyn iyo dib uhagaajin uu ku sameenayo hay’ada oo waayihii dambe aheyd mid siyaasad gaar ah loo adeegsanayey.