Taliye Ciidan oo Amaray in la baaro Ra’iisul Wasaare Qaran iyo Wasiir ku Raacay.

MUQDISHU-AYAAMAHA-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa dib usoo saxay warqad uu hore soo saaray, Isagoo caddeeyay in shaqsiga la baarayo uu yahay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Xooga Dalka oo eedeeyn been abuur ah u jeediyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Dhinaca kale Taliyaha Ciidan Xooga Dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa Gudi u magacaabay arinta la xiriirta Eedeynta
Taliyaha Ciidamada Badda Soomaaliya Cabdi Xamiid Maxamed Dirir u soo jeediye Ra’iisul Wasaare Rooble taasoo Khilaaf hor leh ka dhex abuurtay Farmaajo iyo Rooble.

Waxaa isi soo taraya Eedeeymaha iyo Waraaqaha la is dhaafsanyo ee ku qotoma Khilaafka baahan ee soo kala dhix galay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaarihiisa, kaa soo sababi kara Bur-bur ku yimaada Hay’adaha Dastuuriga ah ee Dowlada Soomaaliya.