Taliye ku xigeenkii hore ee NISA oo banaanka soo dhigay qorshe halis ah oo ay waddo Villa Somalia.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Taliye ku xigeenkii hore ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Ismaaciil Daahir Cusmaan ayaaa sheegay in Villa Somalia waddo abaabul lagu tashkiilinayo qaar kamid ah Xildhibaannada cusub ee la doortay in ay isku qarxiyaan Safiirada Reer Galbeedka ee ku sugan Xarunta Xalane.

Qoraal kooban oo uu soo geliyay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in Fulinta Hawshaas loo xil-saaray Shakhsiyaad ka tirsan Hay’adda NISA iyo Golaha Wasiirada Federaalka islamarkaana Qoraalkii NISA uu ahaa mid la isku bari-yeelayo haddii uu fulo Qorshaha Villa Somalia.

“Qolyaha Xalane degen aya helay XOG & qorshe qaar ka mid ah Xildhibaanada cusub in lagu tashkiiliyay in ay isku qarxiyaan qaar ka mid ah safiirada ama madax kale. Qorshaha aya ah mid laga abaabulay Villa Somalia fulinteedana loo xil saaray shaqsiyaad ka mid ah NISA & Golaha Wasiirada. Qoraalka NISA waa iska bari yeelid haddii uu fulo qorshaha Villa Somalia” ayuu yiri Ismaaciil.

Arrintaa kusoo aadeysa xili Hay’adda Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ee NISA ay soo saartay digniin la xiriirta in MD Farmaajo iyo RW Rooble la qorsheynayo in la dilo, balse qoraalka NISA ayaa loo safirtay in Hay’adda ay wax ka ogtaay qorshahaan dilka ee si gaar ah loola dan leeyahay RW Rooble.