Taliye Xijaar oo shaaciyey inay jiraan ciidamo ka hortagga Akhlaaqdarada Social Media-ha

MUQDISHO-AYAAMAHA-Taliyaha Ciidanka booliska Soomaaliyeed Janaraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sheegay in dalka ay kusoo bataan gaar ahaan Baraha Bulshada waxyaabaha aklaaq xumada ah ee dadku ku faafinayaan, iyaga oo soo marsiinaya technologyada Casriga ee Adduunka ka hana qaaday.

Taliyaha oo Maanta ka qeyb galayay Shir Sanadeedka Garsoorka dalka wuxuu sheefay in  soo baxeen dambiyo cusub oo aan hore u laheyn kuwaasi oo wax u dhimaya akhlaaaqiyaadka Bulshada, saameyna ku leh dhaqankeena.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray inay  sameeyeen oo ay tababareen Ciidan gaar ah oo la socda kana hortaga dambiyada iyo akhlaaqdarada ka dhaca Social Media-ha, wuxuuna Ciidamada ku amray inay Bulshada ku ilaaliyaan anshaxa wanaagsan.

Warkaan kasoo yeeray Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa kusoo beegmaya xilli dhowr jeer Baraha Internetka ee la isticmaalo lagu soo bandhigay waxyaabo anshax ahaan aan wanagsaneyn, kuwaas oo saameyn tooda siweyn looga dareemay dalka.