Taliye Xijaar oo si toos u cadeeyay u jeedka shirkoodii maanta.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Janaraal Xijaar oo goordhow warbaahinta la hadlay ayaa faah faahin ka bixiyay shirkii ay yeesheen taliyaasha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Xijaar ayaa sheegay in kulankooda maanta uu ku saabsanaa sidii ay isaga kaashan lahaayeen xaqiijinta amniga dalka, gaar ahaan kan doorashada iyo shacabka Soomaaliyeed loo sheego in dalka amni yahay ciidankana ay ku filanyihiin.

Wuxuu yeeshay in warka Barasha bulshada iyo sida uu yahay dalka ay kala duwan yihiin dalkana uu yahay Nabad, dadkana la qalqal gelin waxaa laysku haayana ay tahay fikir siyaasadeed taasna la xalin doono.

Taliyaasha ciidamada Qaranka ayaa warbaahinta iyo dadka isticmaala baraha Bulshada ku kulmaan ka codsaday in ciidamada lala shaqeeyo aadna looga dhowrsado wararka abuuri kara kicin iyo cabsi gelin.

Kulanka ay maanta yeesheen taliyaasha ciidamada ayaa ah kii ugu horreeyay oo ay siwadajir ah u yeeshaan waxa uuna ku soo xili uu dalka ka jiro khilaaf u dhaxeeyo MW Farmaajo iyo RW Rooble.

Xijaar ayaa toos u cadeeyay in shirkooda maanta uu ahaa mid uu ogyahay Ra’iisul wasaare Rooble, isla markaana dhammaan warbixina amniga ay la wadaagayaan R/wasaaraha Dalka