Taliyihii saldhiga Shibis oo xilkiisa ku waayey talo uu siiyey MD Xasan Sheekh

MUQDISHO-AYAAMAHA-Taliyihii Booliska saldhiga Degmada Shibis Maxamed Siyaad Cali (Canjeex) ayaa xilkiisa ku waayey fariin qoraal uu usoo diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Qoraalkaasi ayuu Madaxweynaha cusub ka dalbaday in mas’uuliyiinta xilalka heysay aysan dalka ka bixin ilaa amar dambe balse taliye canjeex ayaa ku waayey xilkiisa Qoraalkaasi.

Maxamed Siyaad Canjeex ayaa sanado badan ku magacaabnaa Taliyaha saldhiga Booliska Degmada Jowhar balse Sanadkaan bishii Febraayo ayaa loo soo badelay degmada Shibis taas oo ugu dambeyn xilka laga qaaday maanta oo sabti aheyd.

Xilka Taliyaha Booliska ayaa xalay loo magacaabay Samiira Naasir oo ah gabar katimid dalka Norway oo muddo badan ay ciidanka ku jirtay.