DHUUSAMAREEB-AYAAMAHA-Dagaalka ayaa weli ka socda aagga Jaamacada iyadoo sidoo kale dhinaca xero xoosh ayaa rasaas xoogan laga maqlayaa,waxaana adag in khasaaraha la ogaado.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in hub culus weli laga maqlayo dhinaca wuqooyo bari waxaana jira waxyeelo kala duwan oo ka dhashay.
Taliyaha ugu sareeya ciidamada ahlusuna Gaashaanle Cali Faarax ayaa la sheegay in dhaawac uu soo gaaray islamarkaana gacanta ay ku dhigeen ciidamada Galmudug.
Sidoo kale sargaal lagu magacaabo cali xade oo ahlusuna xubnaha ugu muhiimsan ayaa la qabtay sida ay sheegayaan saraakiisha galmudug iyo kuwa Dawlada Soomaaliya.
Maxamuud Tashade oo isna dhaawac ah ayaa la dhigay cusbitaalka gaalkacyo oo hadda lagu dabiibayo,waxaana dhamaan saraakiishani ahlusuna ka tirsanaa ayaa gacanta ugalay Dawlada iyo Galmudug oo isku dhinac ah.
Meelaha ugu badan ee rasaasta ka dhaceyso waa agagaarka ceel abshir,tuulada gaban,agagaarka jaamacada,Cusbitaalka istarliin iyo agagaarka guriga sheekh shaakir degganaa.