MUQDISHO-AYAAMAHA-Taliyaha hay’adda sirdoonka qaran Mahad Salaad ayaa xabsiga dhigay Taliyihii uruurka Gaashaan sababo la xiriira weerarkii Hotel Xayaat.
Taliyaha ayaa magaciisa lagu soo koobay Caynte waxaana loo haystaa inuu toogtay nin kamid ah shabaabkii weeraray Hotel Xayaat oo isa soo dhiibay inuu toogtay.
Taliye Mahad Salaad ayaa inta uusan xiran Taliyaha magaciisa lagu soo koobay Ceynte wuxuu weydiiyay sabata uu u toogtay, waaana Taliyaha uu sheegay iney ka cabsi qabeen inuu isqarxiyo balse Mahad Salaad ayaa sheegay in ninkaas ay ka heli lahaayeen xog badan oo ku saabsan sida ay magaalada ku soo galeen iyo sida loo qorsheeyay weerarka.
NISA ayaa wajaheysa dhaliilo iyo eedeynmo kala duwan oo uga imaanaya siyaasiyiinta ganacsatada Muqdisho taas oo ku aadan sidii ay u maareysay weerarkii Hotel Xayaaat oo inkabadan 20 qof ay ku dhinteen.