Tallaab nuucee ah ayuu Ra’isul Wasaare Rooble ka qaadi doonaa agaasimaha NISA Fahad Yasin?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa baaq is daba joog ah loo diraaya Ra’isul Wasaare Roble kaaso ku aadan in uu wax ka qabto madaxda taliska NISA oo lagu tuhmaayo in ay gacantooda ku maqan tahay marxuumar Ikraan Tahliil.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa la sheegayaa inuu qorsheynayo in tallab muuqato uu ka qaado hay’adda sirdoonka iyo nabad sugidda Qaranka Soomaaliyeed ee NISA, waxaana xogaha tilmaamayaan in dacwad lagu soo oogi doono Fahad Yaasiin islamarkaana shaqada uu ka ceyrin doono.

Warar aan helnay  ayaa sheegaya in Fahad Yasin, agaasimaha hay’ada NISA, uu dalka isaga baxay mudo dhowr cisho ah ka hor intaan la shaacin geerida Ikraan Tahliil. Fahad Yasin ayaan la sheegin halka uu ku sugan yahay balse warar soo baxaya ayaa sheegaya in FAHAD YAASIIN uu jooga Nairobi.

Roble ayaa hada ka hor shaqada ka eryay Cabdullahi Kulane oo ahaa agaasime kuxigeenka NISA kadib markii uu jabiyay amar kaso baxay xafiiska Ra’isul Wasaare Roble.

Dhowr casho kadib ayuu agaasime Fahad Yasin dib umagacaabay Kulane asagoo udalacsiiyay jago ka saamayn badan tii uu horay ujoogay oo isla NISA ka dhex tirsan. Rooble markaas safar shaqo ah ayuu dalka UK ku joogay.

Markii uu soo laabtay kadib, Ra’isul Wasaare Rooble wax sharci ah kama qaadin talaabada uu Fahad Yasin ku dhaqaaqay ee ahayd in uu ugadaal maray go’aankii uu shaqada kaga eryay Kulane.