Tanzania Oo Xirtay Haweeney Caawisa Dumarka Ka Baxa Diinta Islaamka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dowladda Tanzania ayaa haweeney u dhalatay dalka Australia una ololeysa xuquuqda haweenka, oo lagu magacaabo Zara Kay, su’aalo ka weydiineysa dhalashadeeda.

Benedict Ishabakaki ayaa BBC-da u sheegay in haweeneyda oo ku dhalatay Tanzania ay saakay u tagtay booliiska sida lagu amray, balse markii dambe loo gudbiyay waaxda socdaalka.

Dowladda Tanzania ayaa ku eedeyneysa Ms Kay inaysan soo celin baasaboorkeeda Tanzania kaddib markii ay heshay dhalshada Australia.

Inuu qofku isku heysto labo dhalasho ayaa sharci darro ka ah dalka Tanzania.

Qareenkeeda ayaa sheegay inaysan soo celin baasaboorkeeda sababtana ay tahay inuu ka lumay.

“Ma isticmaaleyso baasaboorkeeda Tanzania. Waxay Tanzania gashay kahor intaan la xirin iyadoo adeegsaneysa baasaboorkeeda Australia,” ayuu yiri qareenkeeda.

Haweeneydan ayaa 28-kii December barteeda Twitter-ka ku soo qortay inay u socoto saldhigga booliiska kaddib markii “qof uu ku eedeeyay inay diinta wax ka sheegtay”