Tarsan Oo Ka Hadlay Safaaradda Somalia Ee Kenya Oo Dib Loo Furay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Safaaradda Soomaaliya ee ay ku leedahay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa rasmi ah dib loogu furay, xili ay xirneyd muddo ku dhow lix bilood oo khilaaf u dhexeeyay labada wadan ee Somalia iyo Kenya.

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, Safiirka dowladda Soomaaliya oo ka hadlaayay Munaasabadda dib u furista Xarunta Safaaradda ayaa soo dhaweynayay dib u furista Safaaradda, kadib markii xal laga gaaray khilaafkii Somalia iyo Kenya.

Waxaa uu sheegay Safiir Tarsan in Safaaradda inay dib u bilaabeyso shaqooyinka ay u qabaneysay bulshada Soomaaliyeed ee kunool dalka Kenya, isla markaana xiriirka ka dhexeeya labada dal uu yahay mid soo jireen ah oo si fudud u kala go’i karin.

Sidoo kale Safiirka Soomaaliya ee Kenya ayaa Carabka ku dhuftay in maalinta Isniinta ee soo socota ee todobaadkan ay rasmi ah u bilaaban doonaan shaqooyinka ay Safaaradda Kenya u heysay shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna xusay inay shacabka heli doonaan adeegyada ay u baahan yihiin.

Ku dhawaad 6 bilood ayaa waxaa xumaa xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya, hayeeshee labada dowladood ay dib u celiyeen xiriirkooda.