Telefonka habeenkii laga isticmaalo dhammaan Degmooyinka Gobolka Banaadir.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Magaalda Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa kusoo kordhay amni darro aad u baahansan, waxaana habeen iyo maalin iskumid noqoday dhaca loo geysto dadka shacabka ee ku nool degmooyinka gobolka Banaadir.

Inkastoo dhaca dadka loo geysto habeen iyo maalin iskumid tahay hadane waxaa darran habeenkii, mararka qaar waxaa habeenkii guryaha u dhaca dad wata qoriga AK47, kuwaas oo dadka ka qaata Mobeelada iyo dhammaan agabka kale yaalo guryaha loo galay.

Dadka reer Muqdisho ayaa markii uu soo batay dhaca telefonada Smartphone-ka ah oo kuwa qaar lagu soo iibiyo lacag aad u badan oo qiyaastii u dhaxeysa $150 ilaa $1300 oo doolar ayaa taas bedelkeeda waxaa ay habeenkii qaateen telefonka yar ee niiclaha loo yaqaano kaas oo qiimihiisa aad u yaryahay oo qiyaastii la iibiyo wax lamid ah $10 ilaa $15.

Degmooyinka ugu badan ee daka ku nool dhaca loo geysto ayaa waxaa kamid ah Kaaraan, Deyniile, Wadajir, Waaberi, Dharkeynley iyo Kaxda, waxaana dadka ku nool ay dareen cabsi xoogan.

Ma sahalana in telefon qiyaastii laga soo bixiyey $1000, si fudud lagu ilaawi karo, sidookalena ma sahalana in si dhakhso ah dib loogu iibsan karo adigoo og in dadka markii horeba kaa qaatay hadane ay markale kaa qaadan karaan hadane aysan jirrin cid looga dacwoonkaro kuwa dhibaatadaas geysta.

Markii la doortay Madaxweyne xasan Sheekh ayaa waxaa kordhay amni darrada ka jirta degmooyinka gobolka Banaadir, mana jiro cid lagula xisaabtamo amni darrada kusoo korartay dalka.