Tirada askarta Ruushka kaga dhimatay dagaalka Ukraine oo la shaaciyey.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Inta u dhaxaysa 7,000 ilaa 15,000 oo askari oo Ruush ah ayaa ku dhintay hal bil ka dib duulaankii Ukraine, Waxa sidaasi wakaalada wararka ee AP u sheegay sarkaal sare oo ka tirsan Nato.

Sarkaalka ayaa intaa ku daray in 30,000 ilaa 40,000 oo Ruush ah loo malaynayo in lagu dilay ama lagu dhaawacay dagaalka.

Ruushka ma uusan sheegin tirada rasmiga ah ee dhimashada tan iyo 2-dii Maarso, markaasoo ay sheegtay in 500 oo ciidamadeeda ah ay dhinteen.

Marka loo barbar dhigo duullaankii uu Ruushka ku qabsaday Afqaanistaan islamarkana socday 10 sano ayaa waxa kaga dhintay ilaa 15,000 oo askari .

Ukraine ayaa sidoo kale aan dhankooda caddayn tirada dagaalka kaga dhimatay, iyadoo madaxweynaha Ukraine uu sheegay laba toddobaad ka hor in 1,300 oo askari oo Ukraine ah ay dhinteen.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Ukraine ayaa Arbacadii u sheegtay Reuters in Ukraine ay adeegsanaysa software-ka aqoonsiga wajiga si ay u aqoonsato meydadka askarta Ruushka ee dhintay si ay ugu wargeliyaan qoysaskooda..