Tirada dadka ku dhintay Dibadbaxyadii ka dhacay Wadanka Kenya oo sii korortay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Tirada dadka ku dhintay dalka Kenya Arbacadii dibad-baxyo looga soo horjeeday qiimaha maciishadda ayaa kor u kacday iyadoo markii hore ahayd lix qof waxayna gaartay ilaa 13, sida ay sheegtay hay’adda xuquuqul insaanka ee dalkaas.

Guddiga xuquuqul insaanka ee Kenya (KHRC) ayaa sheegay in 10 qof oo caruuri ku jirto ay boolisku dileen, halka saddex qof ay ku dhinteen rabshado beeleedyo ay sababeen mudaaharaadyadii ka dhacay galbeedka dalka.

KHRC ayaa baaraysa wararka sheegaya in booliisku ay ku guuldareysteen inay soo farageliyaan isku dhacyada beelaha, Davis Malombe oo ah madaxa guddiga ayaa sidaasi yiri.

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya, Kithure Kindiki ayaa sheegay in 312 qof oo uu ku jiro xildhibaan mucaarad ah la xiray intii ay socdeen banaanbaxyada, islamarkaana lagu soo oogi doono dacwad.

Waxa uu sidoo kale muujiyay rabitaanka dowladda ee ah in la xiro hoggaamiyeyaasha mucaaradka Raila Odinga iyo Martha Karua, kuwaas oo ku baaqay dibadbaxyada.

Balse mucaaradka ayaa weli diidan, iyadoo xubin sare oo ka tirsan isbaheysiga Mucaaradka, Edwin Sifuna, uu u sheegay telefishanka Citizen ee Kenya Khamiistii in mudaaharaadyadu ay sii socon doonaan Isniinta, Talaadada iyo Arbacada ee toddobaadka soo socda.