Tirada dadka qaba xanuunka dhimirka ee Muqdisho oo sii korortay.

MUQDIAHO-AYAAMAHA-Xaruunta dhimirka ee Dr Xabeeb ee Muqdisho ayaa waxaa kujira Bukaano badan oo la xanuunsanaya xanuunka dhimirka oo Soomaali badan la dhibaateysan.

Dr Xabeeb oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in dadka qaba xanuunka dhimirka ay aad ugu soo badanayaan magaalada caasimada ee Muqdisho.

Diktoorka ayaa sheegay in keligiis uu ku noqday daaweynta xanuunka, dadka dhimir qabana ay sii kordhayaa maalinba maalinta ka sii dambeysa.

Wuxuu sheegay inuu aad ugu xanuunsaday la tacaalidda xanuunka dhimirka, “Sokor iyo dhiigkar ayaa igu dhacay, qof weyn oo xoog leh ayaa ahaa waan baaba’ay “ayuu yiri Dr xabeeb oo ilmeynaya oo indhihiisa ilinta ka socota!.

Isagoo sii hadlay ayuu sheegay inuu waayey qof masuul ah oo ka hadlay arrintan iyo dhibaatada dadka dhimirka qaba. Waxaa uu sheegay in Wasiiro iyo Xildhibaano ay xaruunta keensadaan bukaano qaba xanuunkaan balse hadana aysan ka hadlaynin.

Madaxweynayaashii hore ee Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh ayuu sheegay inuu la kulmay si ay uga hadlaan xanuunkan balse aysan u suurtagalin inay ka hadlaan.

Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka ayuu ka codsaday inay ka hadlaan dhibaatada haysata dadka qaba xanuunka dhimirka.