Tirada dadkii ku dhintay qaraxyadii xalay ee Beledweyne oo korortay.

BELEDWEYNE-AYAAMAHA-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay Qaraxyo is xig-xigay oo Is-miidaamin ahaa oo fiidnimadii xalay ka dhacay Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, kuwaasi oo lagu bartilmaameedsaday Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo ka tirsaneyd Baarlamaankii 10-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sawirro laga soo qaaday goobta ay qaraxyada ka dhaceen ayaa muujinayay burburka dhismayaal farabadan, iyadoona ay xusid mudan tahay in qaraxayada kadib Magaalada Baladweyne ay ka dentay gebi ahaan korontada, sidoo kalena xaalada ay noqotay mid Jahwareer ah, maadaama qaraxyo iyo rasaas farabadan la maqlay.

Qaraxa 1-aad oo ka dhacay gudaha Xerada lamagalaay oo ay ku dhaxyaalaan Madaxtooyada iyo xarumaha dowladda ayaa waxaa fuliyay nin isku soo xiray waxyaabaha Qarxa isagoo beegsaday Xildhibaan Marxuum Aamino Maxamed Cabdi iyo dhowr askari oo ilaalo u aheyd.

Qaraxa 2-aad oo ahaa Ismiidaamin gaari loo adeegsaday ayaa lala beegsaday gaari ciidan oo dhaawacyo ka soo qaaday gudaha Xerada maadaama aan loo ogoleyn gaadiidka rayidka ah, waxa uuna Qaraxaan ka dhacay meel u dhaxeyso Isbitaalka Magaalada iyo Hotel Kaamil.

Sida ay xaqiijiyeen saraakiil katirsan xafiiska Madaxweynaha HirShabeelle Marxuum Aamina ayaa u socotay kulan ay kula balansaneyd Madaxweynaha Hir-Shabeelle balse waxaa weerarkaas lagu dilay iyada iyo askartii la socotay.

Ugu yaraan 20 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen qaraxyadii mataanaha ahaa ee ka dhacay magaalada Beledweyne, kuwaasoo ay fuliyeen 2 nin oo mid gaari waday iyo mid isku soo xiray waxyaabaha Qarxa.

Ilaa 10 qof ayaa lagu la’yahay nolal iyo geeri, waxaana Dadka dhintay ay isugu jiraan siyaasiin, odayaal dhaqan, ganacsato, askar iyo dad kale oo shacab ah, waxaana saaka Magaalada ka socda howlgallo ay wadaan Ciidamada Ammaanka.

Weli ma jirto wax faah faahin ah oo ay qaraxyada ka bixiyeen laamaha amniga dowlad Goboleedka Hirshabeelle, waxaana warar la helayo ay sheegayaan in qofka isku  qarxiyey Xildhibaan Aamina Maxamed uu xirnaa dharka Ciidanka dowladda, kaasi oo ku booday Xildhibaanada oo mar kale aheyd Musharax Xildhibaan oo u tartameysay kursiga ay ku fadhiday.