Tirada ganacsatada Kenya bil gudaheeda ka faa’ideen jaadka ay Soomaaliya Keenaan

MUQDISHO-AYAAMAHA-Kenya ayaa hal bil gudaheed u dhoofisay Soomaaliya qaad Miirow qiimihiisu gaarayo $8 milyan tan iyo markii uu dib u soo laabtay suuqan ganacsi kadib is-faham dhexmaray hogaanka labada dal.

Felix Mutwiri oo kamid ah hogaamiyeyaasha ururadda Jaadka Kenya ayaa sheegay in dalkiisu uu ilaa hadda dhoofiyay 375 tan oo Qaad ah saddexdii todobaad ee la soo dhaafay.

Dhaqaalaha ayaa intaan kasii badan lahaa hase ahaatee waxaa hoos-u-dhigaya in Kenya ay xakameysay tiradda tan ee loo iib-geyn karo Soomaaliya oo horey u ahyad 40 tan maalintii balse hadda ah 19 tan.

“Waxaan ilaa hadda dhoofinay 375,000 kiiloogaraam (375 tan) tan iyo markii aan dib u dhoofnay July 24,” ayuu yiri Mr Mutwiri oo ay soo xigatay majaladda Business Daily Africa.

Kenya ayaa illaa haatan waxay u shati siisay ku dhawaad 48 ganacsato ah dhoofinta Qaadka. Qof kasta oo dhoofiya isaga oo aan diiwaangelin iyo shati haysan waxa uu mutaysan doonaa xadhig dhan saddex sano ama ganaax lacageed oo dhan $41-kun doolar, sida uu qabo xeerka cusub ee xukuumadda Nairobi u dejisay dhoofinta maandooriyahan.

Bixinta shatiyada dhoofinta ganacsatada miirooga ayaa bilaabatay bishii Luulyo markii wadahadalo laba geesood ah oo dhex maray madaxweynayaasha Kenya iyo Soomaaliya lagu xaliyay khilaafka ganacsiga.

Kiiliga qaadka Miiraha ayaa Soomaaliga wuxuu ka marayaa maraya $23 (Sh2,730), taas oo wali ka sii hoosaysa marka loo eego $25 uu ka heli jiray ka hor inta aan suuqa la xidhin.

Kenya ayaa tartan dhanka suuqa Soomaaliya ah waxay kala kulmeysa Itoobiya oo suuq furan ka heshay maamulkii Farmaajo oo si weyn ugu dhowaa xukuumadda Addis Ababa isla markaana ay isku xumaayeen Nairobi..