Toogasho arday lagu laayay oo ka dhacday Mareykanka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ugu yaraan 18 qof ayaa ku dhintay toogasho ka dhacday dugsi hoose oo ku yaalla magaalada Uvalde, ee gobalka Texas ee dalka Mareykanka ,magaalada dilku ka dhacay waxaa ku nool dad gaaraya 16,000 oo qof , waxayna galbeed ka xigtaa magaalada San Antonio. Dadka dhintay 17 ka mid ah waxay ahaayen arday halka midka kalana uu ahaa macalin.

Eedeysanaha falkaan gaystay waxaa da’diisa lagu sheegay 18 jir, kaas oo ku noolaa agagaarka magaalada Uvalde,magaciisuna waa Salvador Ramos sida la baahiyay. Wararku waxay sheegayaan inuu dhintay ninka toogashada gaystay waxaana loo malaynayaa inay toogteen boolisku.

Ardeyda dhigata Iskuulka wax ka dhaceen waxay ahaayeen fasallada labaad, saddexaad, iyo afraad, taasoo la micno ah inay da’doodu u dhexaysay 7 ilaa 10 jirro.

Wararka ka soo baxaya toogashadaan ka dhacday gobalka Texas ee dalka Mareykanka ayaa sheegaya in labo qof oo dhaawac soo gaaray ay haatan ku suganyihiin xaalad halis ah . Labadaan qof waa gabar 10 jir ah iyo haweeney 66 jir ah.Laba askari oo booliis ah ayaa iyaguna ku dhaawacmay weerarka.

Guddoomiyaha gobolka Greg Abbott ayaa sheegay in isaga iyo xaaskiisa Cecilia ay u baroordiiqayaan “khasaare naxdin leh” oo ka dhacay gobalkiisa isla markaana wuxuu ku booriyay mas’uuliyiinta gobolka Texas inay isu yimaadaan.Wuxuu ka mahadceliyay sida degdeg ah ee ciidamada amnigu uga jawaabeen falka lagu beegsaday carruurta dhiganaysay Iskuulka.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa amar ku bixiyay in hoos loo dhigo calanka sababo la xiriira dhacadadaan lagu laayay carruurta yaryar.