TPLF oo dib u qabsatay magaalo muhiim ah iyo Abiy Axmed oo ku laabtay Jiida hore ee Dagaalka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya waxay sheegayaan in dagaalyahanada Tigray ay dib u qabsadeen magaalada taariikhiga ah ee Lalibela kadib wax ka yar laba toddobaad oo ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo xulufadooda.

Dadka ku nool magaalada ayaa xaqiijiyay in fallaagada TPLF ay dib ula warageegeen halkaas.

Ma jirin wax iska hor’imaadyo oo dhexmaray ciidamada, sida ay wararka sheegayaan.

Goobjoogayaal ku sugan magaalada ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in ciidamada gaarka ee gobolka Amxaarada iyo maleeshiyaadkii taabacsanaa ay isaga baxeen xaley halkaas iyadoo uusan dhicin wax dagaal ah.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa di ugu laabtay furumaha hore ee dagaalka, isagoo ka qeyb galay howlgalkii lagu qabsaday wadada weyn ee istiraatiijiga ah.

Ciidamada isku dhafka ah ee Itoobiya oo uu hoggaaminayo Taliyaha guud ee ciidamada iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed” ayaa la wareegay ” Jidka Istiraatiijiga ah ee Woldia iyo Mekelle , waxayna qabsadeen dhowr magaalo oo kale,” ayuu lagu yiri Fana.

Fana ayaa intaa ku dartay: “Qaar badan oo kamid ah maleeshiyaadka argagixisada ah ee TPLF ayaa dhowr jiho lagu jebiyay, qaar kale oo ka badbaaday weerarka culus ayaa si fuleynimo ah ugu gurtay meelo badan, waxaa sidoo kale lagu dhaawacay askar badan oo ka tirsan TPLF.”

Todobaadyadii la soo dhaafay ciidamada dowladda Itoobiya waxay gaareen guulo militeri, waxaana howgalkooda ka qeyb ahaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaanno Drones-ka.