TPLF oo go’aan lama filaan ah ka qaadatay dagaalkii ay kula jirtay ciidamada Itoobiya.

waddada halbowlaha ah ee isku xirta Waldiya iyo Maqale
waddada halbowlaha ah ee isku xirta Waldiya iyo Maqale

MUQDISHO-AYAMAHA-Xoogaga TPLF ee dagaalka kula jira Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa isugu tegaya Gobolka Tigrayga, sida uu sheegay Debretsion Gebremichael, Hoggaamiyaha TPLF.

Hoggaamiyaha TPLF oo warqad u qoray Qaramada Midoobey ayaa sheegay in kooxaha fallaagada ay isaga baxayaan Gobolada Amxaarada iyo Canfarta, si taasi u horseeddo waxa uu ku sheegay xabad joojin.

Debretsion Gebremichael ayaa Qaramada Midoobey ka codsaday in duulimaadyada laga mamnuuco deegaanada ay colaadda ka taagan tahay iyo Gobolka Tigray.

Waxa kaloo uu sheegay in TPLF ay soo jeedinayso in si degdeg ah dagaalka loo joojiyo, dhinacyadana ay u bilaabaan wada hadalo.

Hadalka ka soo yeeray Gebremichael ayaa ku soo aadaya, xilli Ciidamada Qaranka oo garabsanaya maleeshiyada Gobolada Canfarta iyo Amxaarada, ayna taageerayaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay la wareegeen inta badan goboladaasi.

Wixii ka dambeeyay markii Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed uu si buuxdo ula wareegay hoggaanka dagaalka ayaa waxaa la arki karay in miisaanka dagaalka uu u liicay dhinaca kooxaha fallaagada, Ciidamada Qarankana ay gaarayeen guulo muhiima.

Dagaalka Itoobiya ka socda ayaa waxaa ku dhintay kumanaan qof, iyadoo malaayiin qof ay ku barakaceen, halka malaayiin kalena ay xaalad macluul ahi wajahayaan.