TPLF oo qarka u saaran inay la wareegto caasimada Itoobiya ee Addis Ababa

MUQDISHO-AYAAMAHA-00Afhayeen u hadlay kooxda TPLF (Getachew Reda) ayaa sheegay in ujeedadooda kaliya ay tahay in ay jabiyaan go’doominta Tigrayga. Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay in afar boqol oo kun oo qof oo ku nool gobolka ay ku nool yihiin xaalado macaluul u eg, sanad kaddib markii uu dagaalku billowday.

Jabhadu  ayaa guulo dhuleed ka gaartay gobolka Axmaarada, iyaga oo ku sii dhawaanaya caasimada Itoobiya ee Addis Ababa.

Mareykanka ayaa ugu baaqay mucaaradka Tigray inay ka baxaan gobollada Amhara iyo Afar ee waqooyiga Ethiopia, halkaasi oo dagaalka uu sii xoogeysaneyey maalmihii ud anbeeyey.

Qoraal laga soo saaray Waaxda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka ayaa looga dalbaday TPLF inay hakiyaan ku siqitaankooda magaalooyinka Dessie iyo Kombolcha.

TPLF ayaa horay u sheegtay inay magaalooyinkaasi la wareegtay inkastoo dowladda ay beenisay.

Ciidamada Tigreega ee dagaalka kula jira dowladda Itoobiya, ayaa sheegay iney qabsadeen magaalada istiraatiijiga ah ee Dase, ee ka tirsan ismaamulka Amxaarada ee dalka Itoobiya.

Afhayeen u hadley qawmiyadda Tigreega, ayaa lagu waramayaa inuu sheegay in ciidamadoodu ay hadda ku wajahan yihiin magaalada Kombolcha.

Dase waxey Addis Ababa u jirtaa wax ka yar 400km, taas oo ka dhigan ku guulaysiga Dase, waxey noqon doontaa iney ku sii siqayaan koonfurta ugu fog ee gobolka Amxaarada.