TPLF oo si xun u dishay Madaxii xafiiska Maalgashiga ee maamulka Tigray

Madaxii xafiiska Maalgashiga ee maamulka ku meelgaadhka ah ee gobolka Tigray ayay TPLF maydkiisa jarjareen kadibna ku xabaaleen meel u dhow kiniisadda Gabreil.

Balse xalay ayay dib usoo saareen maydkiisa kadibna waraabaha siiyeen, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Itoobiya ee ENA.

Dawladda Itoobiya waxay TPLF ku eedaynaysaa in ay xasuuq ka wadaan magaalada Mekelle.

TPLF ayaa dagaal xoogan kula jirta dowladda Itoobiya waxayn si weyn uga soo horjeedaa Abiy Axmed oo ah Ra’iisul wasaaraha Itoobiya.