Trump oo sheegay in dagaalka Ukraine ku soo afjari karo hal maalin.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa Axadii sheegay in hal maalin gudaheed uu ku joojin karo dagaalka Ukraine hadii mar kale loo doorto xilka madaxtinimada Mareykanka, isagoo wacad ku maray in dalkiisa uu ka ciribtiri doono waxa uu ku tilmaamay dowlad dalka ku hoggaamisa jiho aan sax ahayn.

Isagoo ka soo hor muuqday dad badan oo taageerayaashiisa ah intii uu socday shirka sanadlaha ah ee hoggaamiyeyaasha xisbigiisa, Trump wuxuu ballanqaaday inuu soo afjarayo colaadda, oo soo jirtay muddo sannad ka badan, isagoo yiri: “Anigaa xallin doona dhibaatada, waxaanan xallin doonaa, sida ugu dhakhsaha badan, mana qaadan doonto wax ka badan hal maalin, si fiican ayaan u garanayaa waxa aan ku oran doono labada dhinac,”.

Intii lagu guda jiray shirka saddexda maalmood ee garabka midig ee xisbiga kana dhacay Washington, D.C., Trump wuxuu ku nuuxnuuxsaday in aysan jiri doonin dagaallo dambe, isagoo yiri, “Waxaan si fudud uga hortagi doonaa dagaalkii saddexaad ee aduunka.”

Trump oo jeediyay khudbad qaadatay laba saacadood ayaa sidoo kale ballan qaaday, inuu ka badbaadinayo Mareykanka inuu noqdo “dal shuuci ah,” Wuxuu intaa raaciyay “waa in laga takhaluso “dawladda hadda” oo la badelaa siyaasadaha Madaxweynaha hadda ee Mareykanka, Joe Biden, “ Wuxuu Sheegay Trump haddii uu fursad labaad u helo madaxtinimada in arrimahaas uu wax ka qaban doono, isagoo sheegay inuu yahay qofka kaliya ee mar kale ka dhigi kara Mareykanka dal wanaagsan, wuxuuna wacad ku maray inuu xididada u siibi doono “dawladda xukunka haysa” waxaan meesha ka saari doonaa xafiisyo aan la dooran”.ayuu yiri Trump.