Trump Oo Waji-gabax Kala Kulmay Maxkamadda Ugu Sarraysa Mareykanka.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Maxkamadda ugu sarraysa waddanka Mareykanka ayaa gaashaanka u daruurtay iskuday aanan noociisa oo kale hore loo arag oo meesha loogaga saari rabay natiijooyinka doorashadii ka dhacday afar gobol oo aad loogu loolamay, dacwaddaas oo uu baritaarayay Madaxweyne Donald Trump.

Dacwadda ayaa waxaa todobaadkii tegay maxkamadda geeyay madaxda gobolka Texas, iyagoo doonayay in sharci-darro laga soo qaado natiijooyinka doorashooyinkii ka dhacay gobollada Georgia, Michigan, Pennsylvania iyo Wisconsin.

Madaxweynaha la doortay Joe Biden ayaa dhammaan afartaasi gobol ku guulaystay.

Dacwadda ayaa waxaa taageerayay xeer ilaaliyayaasha 18 gobol oo Mareykanka ku yaal iyo 106 xubnood oo Jamhuuri ah oo ka tirsan Koongareeska.

Hasayeeshee Maxkamadda ugu sarraysa dalka ayaa Jimcihii amar kooban oo ay soo saartay ku diidday iskudaygaas iyadoo xukuntay in Texas aanay lahayn awood sharci oo ay kiiska ku keeni karto maxkamadda.