Turkiga & dalalka Carbabta oo ka hadlay qaraxyadii Soobe

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac, ayaa kulamo doceedyo kula yeeshay Caasimadda Algiers intii uu socday kulanka loogu gogol-xaarayay Shir madaxeedka Carbeed ee 31aad, Ra’iisul wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Ciraaq, Fuad Hussein, iyo qaar kale oo dhiggiisa ah, oo ay ka midyihiin, Wasiirrada Arrimaha Dibadda dalalka Suudaan, Amb. Ali Al-Sadiq Ali, Liibiya Dr. Najla Elmangoush, Falastiin Dr. Riyad Al-Malki, iyo Sheikh Khalifa bin Ali Al-Harthy oo ah Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Saldanadda Cumaan u qaabilsan Arrimaha Diblomaasiyadda.

Kulamadaasi ayaa loogaga hadlay xiriirka labo geesoodka iyo siyaabaha lagu xoojin karo, iyada oo qaar kamid ah mas’uuliyiinta dalalka Carbeed ay ballan qaadeen in dalalkooda ay ku daweyn doonaan qaar kamid ah qaraxyadii ka dhacay Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Wasiiradaasi iyo Mas’uuliyiinta Carbeed ee ka qeybgalay kulanka ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada dhibanayaasha weerarii lagu beegsaday dhismaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare oo ku yaalla agagaarka Isgoyska mashquulka badan ee loo yaqaan Soobe ee Caasimadda Muqdisho, iyaga oo u rajeeyay dhammaan dadka ku dhaawacmay caafimaad-qab iyo bogsasho degdeg ah, waxa ayna caddeeyeen inay garabtaaganyihiin Dowladda iyo Dadka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa cambaareysay qaraxyadii is xigxigay ee shalay ka dhacay magaalada Muqdiso, kuwaas oo dhimasho & dhaawac ay ku noqdeen, Saraakiil Ciidan, mas’uuliyiin dowladeed iyo dad Shacab ah oo aad u farabadan.

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarradan argagaxisada ah, Allaha u naxariisto intii ku geeriyootay, waxaan tacsi u direynaa ehelada, qaraabada iyo sidoo kale dowladda aan saaxiibada iyo walaalaha nahay ee Soomaaliya, inta dhaawacantayna waxaana u rajeyneynaa caafimaad degdeg ah ayaa lagu yiri” Warka Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya.