Turkiga oo balan qaad Cusub u sameeyay dowladda Soomaaliya

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Md Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan la yeeshay Safiirka dowladda Turkiga ee Soomaliya Amb. Mehmet Yilmaz

Ergeyga iyo Safiirka, ayaa ka wada hadlay, sida Dowladda Turkiga ay gacan uga geysan karaan, Gurmadka Abaaraaha daran ee ka jira dalka.

Ugu dambeyn, Danjire Mehmet Yilmaz ayaa Ergeyga u ballan qaaday wada shaqeyn buuxda, si loo samatabixiyo malaayiinta qof ee abaaruhu saameeyeen.

Maalmihii la soo dhaafay Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Md Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame waxaa uu Wakiilada Beehsa.