Turkiga oo musiibadii dhul-gariirka ay ugu darsantay midkale

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dab xooggan oo ka kacay mid ka mid ah dekedaha ugu waaweyn dalka Turkiga ayaa lagu guuleystay in la damiyo, Sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhigga,

Dabka ka kacay magaalada Iskenderun oo ku taal xeebta Mediterranean-ka ee dalka Turkiga ayaa waxaa uu ka dhashay dhulgariirkii Isniintii ku dhuftay qeybo ka mid ah dalkaasi.

Boqollaal kunteendhar ayaa dab qabsaday, islamarkana waxaa ka dhashay qiiq badan.

Inkastoo la sheegayo in dabka la damiyay, haddana wali uu goobta qiiq ka baxayo.

Wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegtay in diyaarado helicopter ah iyo diyaarado militari loo adeegsaday si ay gacan uga geystaan ​​xakameynta dabka. Dhammaan howlihii dekadda ayaa la hakiyay