Turkiga oo qaab ka duwan reer galbeedka uga hadlay dagaalka Itoobiya.

MUQDISHO-AYAAMAHA-War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa loogu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya Itoobiya in si degdeg ah u joojiyaan dagaalka si loo helo nabad iyo xasillooni.

waxaana uu tilmaamay inay diyaar u yihiin inay dhexdhexaadiyaan dhinacyada isku haya dagaalka mudada sanadka ah ka socday, kaasoo hadda kusii siqaya caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa.

Maamulka Recep Erdogan ayaa sidoo kale sheegay in ay diyaar u yihiin in ay dhex dhexaadiyaan dowladda Federaalka iyo kooxda TPLF. Baaqan ayaa imanaya xilli dalal ay ka mid yihiin US,UK iyo Belgium ay ku baaqeen xabad joojin.

Dhanka kale, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii ku baaqay in la joojiyo dagaalka iyo in laga fogaado hadalada xanafta leh ee nacaybka ah iyo hurin colaadaha iyo kala qaybinta.

Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF) ayaa Jimcihii diray codsi ay u direen askartii hore si ay u soo laabtaan si ay u xoojiyaan difaacyada ka dhanka ah loo Ciidamada Difaaca Tigray (TDF).