U jeedka safarka Madaxweyne Farmaajo ee Turkiga iyo shakiga ku gadaaman.

Farmaajo iyo marwadiisa

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay weheliso Marwada Koowaad ee dalka Marwo Saynab Cabdi Macallim ayaa u amba-baxay dalka Turkiga oo ay kaga qayb galayaan meertada saddexaad ee Shir weynaha Iskaashiga Turkiga iyo Afrika.

Shirweynaha Madashan oo socon doona muddada u dhexaysa 17-ka ilaa 18-ka bishan ayaa Madaxda dalalka ku bahoobay Madashan, Ururka Midowga Afrika, maalgashadeyaasha iyo khubarradu waxa ay kaga arrinsan doonaan mustaqbalka xiriirka labada dhinac, kor u qaadista iskaashiga amniga, socdaalka, ganacsiga, wershedaha, dhisidda kaabeyaasha dhaqaalaha iyo yareynta saboolnimada.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa soo bandhigi doona aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee mustaqbalka iskaashiga Labada dhinac, fursadaha maalgashi, ganacsi, diblomaasiyeed, xoojinta amniga iyo Xiriirka miro-dhalka ah ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa aad laysla dhex mareeyey in sababta Madaxweyne Farmaajo uu ugu socda dalka Turkiga ay tahay in hub iyo Diyaaradaha aan duuliyaha wadin ee Turkiga, ka codsan doono Madaxweyne Erdogan.

Sidookale Mucaaradka ayaa aamin in droneta Turkiga ay hada taalo Muqdisho, balase warkaas lama xaqiijin.

Siyaasada Soomaaliya ayaa aad u kacsan kadib markii Midowga Musharaxiinta ay qaadadeen doorashada dalka ka socoto, ayagoo sheegay Madaxweyne Farmaajo loo boobayo doorashada.