U jeedka Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo kusii jeeda Garowe

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wefdi heer wasiiro ah oo ka tirsan xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta oo Sabti ah ku wajahan magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Ujeedka wafdiga dowladda Federaalka ay u tegayaan Garoowe ayaa waxaa uu yahay sidii ay uga qeyb geli lahaayeen Munaasabadda xuska sannad-guurada aas’aaskii Puntland oo ku beegan 1-ka bisha Agoosto.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in xubno ka tirsan wafdiga Xukuumadda ay kulamo la qaadan doonaan Madaxweynaha dowlad Goboleedka Saciid Cabdullaahi Deni iyo Mas’uuliyiin kale oo kamid ah Maamulka.

Sidoo kale, waxa maanta Garoowe imaanaya xildhibaan Maxamuud Nuur oo ka tirsan Baarlamanka Gobolka Minnesota ee waddanka Maraykanka.

Xildhibaanka ayaa isna ka qayb-galaya xuska sannad-guurada as’aaskii Puntland ee 1-da Agoosto, taas ka dhacaysa caasimadda Garoowe.