Ugaarsiga askarta dowladda si xowli ah uga socota Muqdisho iyo askari kale oo goordhow la dilay

Askari lagu dilay Muqdisho
Askari lagu dilay Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Booliska ayaa kooxo ku hubesynaa Bastoolad goordhaweyd waxaa ay ku dileen Magaalada Muqdisho.

Rag dhalinyaro oo watay  Bastoolado ayaa toogasho ku dileen Askariga Booliska, xili uu ku sugnaa Isgoyska Tarabuunka ee degmada Hoban ee Magaalada Muqdisho.

Shalay ayey markii Kooxo watay Bastoolad ay Isgoyska Warshada Caanaha ee Magaalada Caasimadda ah ku dileen Askari ka tirsanaa Ciidanka Taraafikada dowladda Federaalka Soomaaliya, xili uu ku sugnaa

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya inay goobta si dhaqsi ah uga baxsadeen raggii ka dambeeyay falkaas dhacay oo loo geystay Askari ka tirsanaa Ciidanka dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa Booliska.

Ciidamo Booliska ee joogay Isgoyska Tarabuunka ee degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa durbo halka uu dilka ka dhacay u cararay, kana qaaday Meydka Askariga la toogtay, mana jirto cid loo soo qabtay dilka.