Ujeedka Safarka Ra’isul Wasaare Rooble degmada Baraawe

MUQDISHO-AYAAMAHA-Saacadaha soo socda ayaa waxaa lagu wadaa in degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose uu gaaro wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa u duulay degmada Baraawe si ay u soo dhaweeyaan wafdiga Ra’iisul Wasaaraha.

Shalay waxaa degmada Baraawe Gaaray wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cali Saciid Fiqi iyo Xubno kale oo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed.

Ujeedka Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ee degmada Baraawe ayaa waxaa lagu sheegay kormeerida iyo la socodka xaaladda amni ee degmada Baraawe, halkaas oo kamid ah Goobaha degaannada Koonfur Galbeed ee lagu qabanayo doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa la filayaa in uu kula la qaato, Odayaasha Dhaqanka, Maamulka degmada iyo Saraakiisha Ciidamada dowladda & kuwa AMISOM si uu ugala hadlo xaalada amni ee degmada iyo ka qeyb qaadashay sidii ay u qaboomi laheyd doorashada Golaha Shacabka.