Ujeedka safarada RW Rooble oo dalka Qatar midka MW Farmaajo ee Itoobiya

Rooble wax shaqo ah ku laheyn go’aanka xeer ilaaliyaha Kiiska Ikaan.
Rooble wax shaqo ah ku laheyn go’aanka xeer ilaaliyaha Kiiska Ikaan.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Maanta ayaa waxaa lagu wadaa in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Wafdi uu hoggaaminayo inay u ambabaxaan dalka Qatar.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in casuumad rasmi ah uu Ra’iisul Wasaare Rooble ka helay Madaxda dowladda Qatar oo saaxiibo dhow la ah Madaxweyne Farmaajo & la-taliyihiisa Amniga Qaranka ee Fahad Yaasiin, iyada oo Rooble uu horay u tegay qaar ka mida dowladaha carabta Sida Sucuudiga iyo Masar.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa uu la kulmi doonaa Madaxda dowladda Qatar, iyada oo sidoo kale Xubnaha la socda ay kulan duceedyo layeelanayaan Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Qatar.

Hadii Ra’iisul WasaareRooble uu tago dalka Qatar ayaa waxa ay noqoneeysaa markii  ugu horeeysay ee uu tago dalkaas tan iyo markii loo Magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya  17-kii Bishii September sanadkii 2020.

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa goor dhow ka amba-baxay garoonka Aadan Cadde, isaga oo ku sii jeeda magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa ka qeyb-galaya caleema saarka ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo ka dhacaya magaalada Addis Ababa.

Mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda ayaa kusii sagootiyey garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ayaa kulan duceedyo la qaadan doono madaxda kala duwan ee ka qeybgalaya caleema saarka ra’iisul wasaaraha Itoobiya.

Farmaajo iyo Abiy waa saaxiibo dhaw oo siyaasadeed, waxay kol-hore hoggaamiyaha kaligii talis ka ah ee Eritrea la yeesheen iskaashi abuuray tuhun badan, balse waayaahaan ma kulmin oo mid kasta xasarada ka oogan gudaha xukunkiisa ayuu ka badin waayey.