Ujeedka Safarka Ra’iisul Wasaare Rooble Ee Magaalada Jowhar.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle waxaa maanta lagu wadaa in uu gaaro Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Wafdi uu hoggaaminayo.

Ujeedka safarka Ra’iisul Wasaare Rooble ee Magaalada Jowhar ayaa waxaa lagu sheegay u kuurgelida xaaladaha fartahaadaha ee kajira  halkaas iyo sidii loo xalin lahaa khilaafka weli kajira doorashadii ka dhacday Magaalada Jowhar.

Warar aan helnay ayaa waxaa ay sheegayaan in Habeen ka hor Madaxtooyada Soomaaliya kulan looga hadlayay xalinta tabashada ay qabaan Reer Hiiraan in uu u dhex-maray Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxweynaha Hir-Shabeelle iyo Taliyihii hore ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.

Shalay waxaa magaalada Jowhar dib ugu laabtay madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo ay la socdeen Xubno ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Ammanka Magaalada Jowhar ayaa aad loo adkeeyay, waxaana Ra’iisul Wasaaraha lagu wadaa in uu kulamo la yeesho Madaxda Maamulka Hir-Shabeelle sidoo kale uu booqdo Goobaha uu ka fatahay Wabiga ee Magaalada Jowhar.

Cali Guudlaawe ayaa weli tagin Magaalada Beledweyne ee xaruunta Gobolka Hiiraan, waxaana magaaladaas ka dhacay Banaanbaxyo loogu soo horjeedo imaatinka Madaxweynaha Hirshabeelle.