Ujeedka Safarka Ra’iisul Wasaare Rooble Oo U Dhoofay London

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka dhoofay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, iyagoo kusii jeeda dalka Ingiriiska.

Wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa ku wehliya Safarka.

Ujeedka Ra’iisul Wasaare Rooble ee Magaalada London ayaa waxaa uu yahay ka qeyb galka Shir heer Caalami ah oo ka dhaci doona Magaaladaas oo looga hadli doono sara u qaadista tayada Waxbarashada Carruurta.

Shirkaan furmaya ayaa waxaa la sheegay inuu shir guddoon doono Ra’iisul Wasaaraha dowladda UK Boris Johnson, waxaana ka qeyb galaya Madax ka kala socota dalal kala duwan, kuwaasi oo Shirka lagu casuumay.

Ra’iisul Wasaaraha inta joogo UK waxa la kulmi doonaa  Ra’isulWasaaraha  UK Boris Johnson ,  Madax iyo Mas’uuliyiin kale.