Ujeedka Socdaalka Ee Wafdiga Kenyan Ah Ku Soo Wajahan Muqdisho.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Maanta oo Axad ah waxaa magaalada Muqdisho kusoo wajahan wafdi ka socda dowladda Kenya, ayada oo la isku dayayo in la dhameeyo khilaafka u dhaxeeeya labada dal.

Xog aan helnay ayaa sheegaysa in labada dal ay u billaaban doonan wada-hadallo ay garwadeyn ka tahay IGAD oo lagu dhameynayo xiisadda ka dhex oogan kadib markii Soomaaliya ay xiriirka u jartay Kenya.

Dowladda Soomaaliya ayaa Kenya ku eedeysay inay faro-gelin ku hayso arrimaha gudaha dalka, taasi oo Kenya ay beenisay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo kamid ahaa wafdigii Madaxweyne Farmaajo ee tagay 21-kii December Jabuuti, halkaasi oo IGAD ay ku wada-hadalsiisay madaxda labada dal, ayaa sheegay in IGAD ay cadaadis xoogan ku saareyso Soomaaliya inay xaliso xiisadda Kenya.

IGAD ayaa wixii markaas ka dambeeyey wadday isku day lagu sii heshiisinayo labada dal, ayada oo wafdi xaqiiqo raadin ah, oo ka socday Jabuuti  u dirtay xuduudda labada dal.

Weli ma cadda heerka wafdiga maanta imanaya Muqdisho, hase yeeshee wararka ayaa sheegaya inay yihiin wafdi heer sare ah, waxaana lagu rajo weyn yahay in la dhameeyo xiisadda labada dal.