Ujeedka socdaalka Madaxweynaha Koonfur Galbeed Xerada Balli-Doogle.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Xerada Ciidanka Bali-doogle ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Madaxweynaha oo maalmahaan ku sugnaa Magaalada Baydhabo ayaa waxaa Balli-doogle kusoo dhaweeyay Saraakiil katirsan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Laftagareen ayaa waxaa uu kulan la qaadan soonaa Saraakiisha Ciidamada kala duwan ee ku sugan Xeradaas, isaga oo kala hadli doona howlgal ka dhan ah Al-Shabaab.

Dhawaan Madaxweynaha Koonfur agalbeed waxaa uu sheegay in laga bilaabi doono Gobolka Shabeellaha Hoose howlgallo la isugu furayo wadooyinka degmooyinka Gobolkaas, oo mararka qaar ay weeraro ka geystaan Al-Shabaab.