MUQDISHO-AYAAMAHA-Ismaamulka Soomaalida ee kamid ah dowladda Itoobiya ayaa wada abaabul ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab si looga hortago weeraro kale oo ay kooxdaasi ku soo qaado.
Gobolkan ayaa lagu tilmaamay inuu yahay kan ugu nabdoon ee dhaca Itoobiya tan iyo markii uu xukunka qabtay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed 2018-kii.
Balse taasi ayaa la tijaabiyay saddex toddobaad ka hor markii dagaalyahannada Al-Shabaab ay xoog ku galeen gobolka, taasoo keentay iska horimaad khasaare badan dhaliyay.
Itoobiya ayaa hadda ciidamo kusoo aruurisay xuduudka si ay u dardargeliyaan howlgallada militari ee ka dhanka ah xoogaga gacansaarka la leh shabakdda argagixisadda ah ee Al-Qaacida.
Balse deegaanka Soomaalida ayaa sidoo kale waxaa ka socda abaabul bulsho oo ay ka mid yihiin culumaa’udiinka, haweenka iyo odayaasha dhaqanka.
Ganacsatada ayaa dhaqaale u yaboohay halka xoolo dhaqato ay xoolo ugu deeqeen ciidamada amaanka. Tani waxay sarre u qaadey xamaasadda degaanka ee ka dhanka ah Al-Shabaab.
Hadafka muuqda waa in laga hortago qul-qulka fikirka Al-Shabaab ee gobolka caanka ku ah dulqaadka iyo nabad ku wada noolaanshaha bulshooyinka diimaha kala duwan.
Sheekh Maxamed Xasan Burawi ayaa ka mid ah culimaa’udiinkii sida weyn uga hadlay Al-Shabaab shir ay dowladda soo qaban qaabisay oo dhawaan ka dhacay magaalada Jigjiga ee xarunta gobolkaasi.
“Waxay rabaan inay dadka ku khalkhaliyaan iyagoo sheegaya inay rabaan inay diin iyo jihaad fidiyaan,” ayuu Burawi u sheegay VOA-da Somali. “Waa in aan dadka siino wacyi-gelin ah in nimankaas ay faafinayaan aysan ahayn Jihaad, balse ay ka madax bannaan yihiin Diinta”.
Samiira Gaciid oo ah khabiir dhanka amniga ah ahna agaasimaha fulinta ee machadka Hiraal ee fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in bulshadu hadda u muuqato in ay diyaar u yihiin in ay diidaan duulaan kasta oo Al-Shabaab.
Isla wareysi ay siisey barnaamijka Galka Baarista ee VOA-da ayay ku xustey in Al-Shabaab ay la daalaa dhacaysay sidii ay saldhig taageero uga dhisan lahaayeen gudaha Gobolka Soomaalida.
Saraakiisha ammaanka oo sababo ku aadan in aan loo ogolayn la hadalka saxaafadda uga gaabsadey magacyadooda ayaa rumeysan in ugu yaraan hal sano ay Al-Shabaab dhiseysay hal saldhig maxali ah.
Inkastoo kooxaha xagjirka ah ee Soomaaliya ka jira aysan ilaa hadda ku guuleysan inay saldhigyo rasmi ah ka sameystaan Itoobiya, haddana waxay ku guuleysteen inay qortaan dagaalamayaal.
Cali Dyar oo ah taliyaha Al-Shabaab ee dhanka Itoobiya iyo dhowr taliyeyaal kale oo la sheegay in ay ku lug lahaayeen duulaankii ugu dambeeyay ayaa ka soo jeeda gobolka waxaana jira xubo kale oo Oromo ah..