Ujeedka Wafdi Dowladda Federaalka ee kusii jeeda Gobolka Hiiraan.

BELEDWEYNE-AYAAMAHA-Waxaa Magaalada Muqdisho ka ambabaxay wafdi ay hoggamineyso Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Khadiija Maxamed Diiriye, kuwaas oo safar shaqo u aaday magaalada Buulo-Burde ee Gobalka Hiiraan.

Wafdiga ayaa waxaa qeyb ka ah Madaxda Hay’adaha UN-OCHA, WFP iyo UNICEF, waxaana garoonka diyaaradaha Magalada Muqdisho ka sagootiyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Ujeedka wafdiga ay hoggaamineysa Wasiirka Gargaarka Xukuumadda Soomaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ee degmada Buulo-Burde ayaa waxaa lagu sheegay u kuurgelida xaaladdaha Bini’aadanimo ee halkaasi ka jira.

Sidoo kale Wasiir Khadiijo ayaa waxaa la filayaa inay inay kulamo kala duwan la qaadato Maamulka degmada BIILO-Burde iyo qeybaha kala duwan ee bulshada si wax looga weeydiiyo xaaladda bani’aadanimo ee kajirta degmada.