Ujeedka Wafdi Ka Socda Beesha Caalamka Ee Ku Wajahan Dhuusamareeb.

DHUUSAMAREEB-AYAAMAHA-Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta oo Arbaco ah waxaa la filayaa inay gaaraan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug.

Wafdiga oo qeyb ka noqon doonaan xubno ka tirsan Beesha Caalamka ayaa ujeedkoodu waxaa uu yahay sidii ay kulan kula qaadan lahaayeen Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo-xigeenkiisa.

James Swan iyo Madaxweyne Qoorqoor ayaa ka wada hadli doona Arrimaha doorashooyinka la filayo inay dhawaan ka dhacaan dalka ee heshiiska laga gaaray iyo sidii loo dardar-gelinta fulinta heshiiskii 27-kii May.

Sidoo kale dhinacyada ayaa ka wada arrinsan doona taageerada Qaramada Midoobey siiso maamulka Galmudug, dardar-gelinta mashaariicda horumarineed ee laga fulinayo deegaanada Maamulkaas iyo qodobo kale.

Wakiilka Qaramada MidoobeyJames Swan iyo xubno ka tirsan Beesha Caalamka ayaa shalay socdaal ku tegay Magaalada Kismaayo, iyagoona halkaas kula kulmay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Ismaan Axmed Madoobe oo ay kala hadleen doorashooyinka dalka ka dhacaya.