Ujeedka wafdi ka socday Q/midoobeey oo maanta gaaray Baydhabo

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada kumeel gaarka uah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyey Mas’uuliyiin ka socda Qaramada Midoobeey.

Wafdigaan waxa hogaaminayey Agaasimaha Taakulaynta Xafiiska Xoghayaha guud Qaramada Midoobey Atul khare.

Arimo dhowr ah ayey ka hadleen dhinacyada iyadoo QM ay ballan qaadeen inay kordhin doonaan Adeegyada Caafimaadka iyo taakuleynta Maamulka KGS ee dhinaca Arimaha gar gaarka ah.