UK oo direysa 8,000 oo askari oo ka hortaga ‘gardarrada’ Ruushka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dowladda UK ayaa Jimcaha sheegtay inay 8,000 oo askari u direyso bariga Yurub, halkaasi oo ay ku sameyn doonaan dhoolatus lagu muujinayo awood kadib markii Ruushka uu ku duulay Ukraine.

Dhoolatuskan oo muddo bil ah ka socon doona dalal teedsan Finland illaa North Macedonia ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah dalal xulufo la ah UK, sida France iyo Mareykanka, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saareen saraakiisha difaaca.

Britain ayaa sidoo kale direysa 72 taanki oo ah nooca Challenger 2 iyo 120 gawaari dagaalka ah, oo ay wehliyaan qoryaha lidka diyaaradaha, diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo kuwa aan duuliyaha laheyn oo ka qeyb-galaya dhoolatuska.

“Ammaanka Yurub marnaba kama muhiimsaneyn sida hadda uu yahay,” waxaa sidaas yiri xoghayaha difaaca UK Ben Wallace, oo tallaabadan ugu yeeray “mid ka mid daadgureynadii ugu weynaa ee si wadajir ah loo sameeyo tan iyo Dagaalkii Qaboobaa.”

Taliyaha ciidamada UK, Sareeye Guuto Ralph Wooddisse ayaa sheegay in UK “ay kaalin muuqata ka qaadaneyso difaaca Yurub iyo ka hortagga gardarrada Ruushka.”

“Dhoolatusyada taxanaha ah ee ciidamada Britain waa u muhiim labadaas ba.”

Britain oo gantaallo siisa Ukraine si ay isaga difaacdo duulaanka Ruushka ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay sidoo kale ku caawiso taankiyo iyo diyaarado ayada oo u marineysa dalal saaxiibo la ah sida Poland.

Xoghayaha arrimaha dibedda Liz Truss ayaa Arbacadii sheegtay inay qasab tahay in la xoreeyo “Ukraine oo idil,” oo ay ku jirto Crimea kadib markii jaziirad u yaalkan uu Ruushku qabsaday 2014..