Ukraine oo codsi aan laga fileyn u dirtay Ruushka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ukraine ayaa codsatay inay kulan la yeelato Ruushka iyo dalal kale oo ka tirsan guddiga ammanka Yurub, si looga xaajoodo xiisadda sii xoogeysanaysa ee ka taagan xuduudda labada waddan.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Ukraine, Dmytro Kuleba, ayaa sheegay in Ruushka uu dhagha ka furaystay codsi rasmi ah oo ku aaddan inuu sharraxo sababta uu ciidamada tirada badan u geeyay xuduudda.

Waxa uu intaa raaciyay in tallaabada xigta ay tahay in dalkiisa uu diro codsi ku aaddan kulan dhaca 48 saacadood gudahood, si Ruushka loogala hadlo waxa uu damacsan yahay.

Xukuumadda Moscow ayaa marar badan beenisay inay duulaan ku tahay Ukraine, inkastoo ay ciidan ka badan 100,000 oo askari ay ku daabushay meel u dhaw xuduudda labada dal.

Dalal badan ayaa ugu baaqay muwaadiniintooda inay ka baxaan Ukraine, iyagoo ka cabsi qaba in haddii uu Ruushka billaabo dagaalka ay adkaan doonto daadgureyntooda.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Ruushka ayaa ku eedaysay dalalka Galbeedka inay faafinayaan macluumaad been ah.

Warbaahinta CBS News oo soo xiganaysa saddex ilo wareed ayaa sheegtay in Maraykanka uu shaqaalihiisa kala bixi doono Ukraine 48 saacadood ee soo socda.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, oo dhaliilay cabsida ka dhalan karta tallaabooyinka ay dalalka muwaadiniintooda uga saarayaan dalkiisa, ayaa sheegay in uusa arag caddeyn muujinaysa in Ruushka uu qorsheynayo duullaan dhaca maalmaha soo socda.

Dalabka ugu weyn ee Ruushka ayaa ah in Ukraine aysan weligeed ku biiri karin gaashaanbuurta NATO, balse dalalka Galbeedka ayaa diiddan arrinkaas iyagoo ku doodaya in isbahaysiga uu leeyahay siyaasad soo dhaweyneysa xubno cusub.

Hase yeeshee safiirka Ukraine u fadhiya London, Vadym Prystaiko, ayaa BBC u sheegay in dalkiisa uu aqbali karo dalabka Ruushka, si xaaladda loo dejiyo.