Ukraine oo looga adkaaday dagaalka kuna baaqday wadahadal nabadeed oo degdeg ah.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa maanta ku baaqay wadahadal nabadeed oo macno leh oo si degdeg ah loola yeesho Moscow.

Waxa uu sheegay in ay tahay fursada kaliya ee uu Ruushka ku xadidi karo waxyeelada ka dhalan karta duulaankiisa gardaradda ah.

“Waa waqtigii la kulmi lahaa, waa waqtigii la hadli lahaa, waa waqtigii dib loo soo celin lahaa sharafta dhuleed iyo caddaaladda Ukraine” ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa uu intaasi kusii daray “Haddii kale, khasaaraha Ruushku wuxuu noqon doonaa mid loo baahan doona dhowr jiil si looga soo kabsado.”

Ugu yaraan 816 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay Ukraine tan iyo markii ay bilowdeen iskahorimaadyada, Qaramada Midoobay ayaa sidaasi u sheegtay warbaahinta.