MUQDISHO-AYAAMAHA-Sida aan wararka ku helayno tirinta codadka ayaa si habsami leh halkaasi ugga socota, iyadoo weli guddiga doorashada aysan soo saarin wax natiijo ah.
Guddiga ayaa weli sugaya qaar ka mid ah sanaatiiqda doorashada, hase yeeshee guddoomiyaha degmada Ufeyn, ayaa ku dhawaaqay natiijo horudhaca ah, oo kasoo baxday 11 goobood oo codadkooda la tiriyay, iyo sida ay ururada siyaasadda u kala heleen.
Ururka Run iyo Caddaalad: 47 cod
Ururka Shaqaalaha xoogsatada ah : 13 cod
Ururka Dhallinyarada: 11 cod
Ururka Caddaalad iyo Sinnaan: 1248 cod
Ururka Kaah: 1687
Ururka Mideeye: 1300 cod
Ururka Mustaqbal: 192 cod
Horseed: 180 cod
Ururka Ifiye: 8 cod
Ururka Kaah ee Guddoomiye uu ka yahay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdulaahi Deni ayaa ku horeeyo natiijada doorashada Golaha deegaanka Puntland waxaana uu helay codad gaaraya 1687 cod.