Ururka Daalibaan Oo Toogasho Ku Dilay Ciidamo Isku Soo Dhiibay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dagaalamayaasha Daalibaan ayaa la sheegay inay 22 Ciiddamo Komandoos ah oo isku soo dhiibay ay si saf-mar ah ugu toogteen Degmadda Dawlat Abaadoo ka tirsan Gobalka Faryab ee Waqooyiga dalkaasi.

Telefishinka CNN-ka Maraykanka ayaa sheegay inay Komaandooskaasi is-dhiibeen, kadib, markii ay dagaal la galeen Maleeshiyo ka tirsan Ururka Daalibaan meel ku dhow xuduudka ay Afganistan la wadaagto dalka Turkemeistaan.

Telefishinka CNN waxa uu tilmaamay in dhowr Muuqaalo Video ah oo ay Baarayaasha xaqiijiyeen la soo bandhigay.

Saraakiisha Ururka Bisha Cas ee Afganistan waxay xaqiijiyeen in dib loo helay Maydadka Komaandooska la laayey.

Dhinaca kale, Saraakiisha Ururka Daalibaan waxay beeniyey inay dileen Ciiddanka ay qabteen, isla markaana ay Dowladda Afganistaan baahiyeen Muuqalkaas been abuurka ah, si ay Ciiddamadda ugu dhiiri-geliyaan inaysan Ururka Daalibaan isku dhiibin

Afhayeenka Daalibaan waxa uu xusay inay weli hayaan 24 Askar Komaandoos ah oo ay ku qabteen Gobalka Faryab, balse, faahfaahin kale ma bixinin.