Ururka Iskaashiga Islaamka Oo Cambaareeyay Qaraxyo Lagu Weeraray Garoonka Diyaaradeed

MUQDISHO-AYAAMAHA-Bayaan kasoo baxay xafiiska xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka Dr. Yuusuf bin Axmed ayaa lagu cambaareeyay qaraxyadii kooxaha argagixisadu ka garoonka diyaaradaha Cadan ee dalka Yemen.

Xoghayaha ayaa ugu baaqay dowladda iyo shacabka Yemen inaysan ka niyad jabin dib u dhiska dalkooda iyo xoojinta amniga.

Xoghaya ayaa intaas ku daray inay garab taagan yihiin dowladda Yemen kana caawin doona wax kasta oo ay u baahato si dalka loogu soo celiyo xasilooni.

Dad kor u dhaafaya 25 ayaa ku dhintay qaraxyadii shalay ka dhacay garoonka diyaaradaha Cadan, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 100 qof.