Ururka Iskaashiga Islaamka oo ka hadlay xadgudubyada ay wado Israa’iil

Muqdisho-Ayaamaha-Xoghayaha ururka iskaashiga  islaamka mudane Yuusuf Al-Cuthaymiin oo ka.hadlaayay kulanka Wasiirada arrimaha dibadda ee ururkaas  ayuu ku canbaareeyay xadgudubyada Israa’iil ay ka waddo goobaha barakeysan ee dhulka Falastiin.

Xoghayaha ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay mas’uuliyad iska saarto sidii loo joojin lahaa xadgudubyada iyo gardarada Israa’iil  ay ku heyso shacabka Falastiin.

Xoghayaha ayaa sheegay in ururka islaamku garab taaganyahay shacabka Falastiin kana shaqeynaayo sidii uu  ku heli lahaa  dowladd ay caasimad u tahay Qudus.

Xoghayaha ayaa uga mahadceliayay dowladda boqortooyada Sacuudiga oo shirkaan isagu yeertay sida ay u garab taaganatahay xuquuqda shacabka Falastiin.